
<p>Daabacadda 2aad ee buuggan, oo la sii tifaftiray waxna lagu kordhiyay, ujaaddadiisu waxay tahay in uu sharraxaad ballaaran ka bixiyo waxyaabaha gundhigga u ah naxwaha guud ee uu af yeelan karo, gaar ahaanna af Soomaaliga. Qayb walba ee ka mid ah naxwahana waxaa raacsan layliyo fududaynaya fahamkeeda.</p> <p>Qaybta dambe ee buugga ayaana ku qoran furaha layliyada. Buuggaan waxaa looga talaggalay ardayda dugsiyada sare iyo macalliimiinta af Soomaaliga dhigta; waxaana ka faa'daysan kara dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo ciddii kale danaynaysa in ay wax ka ogaadaan naxwa af Soomaaliga.</p> <p>Intaas ka sokow, buuggani wuxuu waxtar u yeelan karaa cidda baranayasa cilmi-afeedka ama dadyowga Soomaaliyeed ee doonaya koruqaadidda barashada afkooda iyo dhaqankooda.</p>
Page Count:
294
Publication Date:
2018-01-01
ISBN-10:
0993431399
ISBN-13:
9780993431395
No comments yet. Be the first to share your thoughts!