
Ilaa markii dimuquraadiyadda xisbiyada badan laga bilaabay Soomaalilaand 2002, doorashooyinku waxa ay u qabsoomeen hab wanaagsan oo maamul isku dhiib ah oo nabadgalyo u dhacay. Laakiin su’aalo ayaa ka yimi sida loo maalgaliyay doorashada. Waxa daraasaddu ku doodaysaa in Soomaalilaand dhexdeeda, sida meelaha kalaba yihiin, aan loo fahmin doorashdu tahay kaliya hannaan siyaasadeed, laakiin sidoo kale tahay dhacdo dhaqaalaha saamayn ku leh, oo xisbiyada, musharaxiinta iyo taageerayaashu ay maalgaliyaan iyaga oo aan damaanad u haysan in ay hantidoodii u soo noqonayso. Waxa daraasadda Dhaqaalaha ku baxay Doorashooyinka Soomaalilaand lagu ogaanayaa kharashkii ka baxay musharaxiinta iyo ilihii dakhligaasi ka soo galay doorashadii baalamaanka ee 2005 iyo tii golaha degaanka ee 2012. Waxa daraasadda lagu soo gunaanaday in haddii doorashada kaligeed loo arko in ay tahay hawlgal dimuquraadiyeed uun in ay tahay in la iska indha tirayo xaqiiqada bulsho ama dhaqaale ee dalkaka jirta. Jiritaan la’aanta hay’ado kaantaroola kharashka ku baxaya maalgalinta ololahu waxa ay dhaawac u keeni kartaa doorashooyinka mustaqbalka ee Soomaalilaand, waxana laga yaabaa in ay u dhigto kalsoonidda qaranka iyo beesha caalamkuba ku qabaan doorashooyinka.
Page Count:
0
Publication Date:
1900-01-01
No comments yet. Be the first to share your thoughts!